SIXIRKA

 ✅ QISO KU SAABSAN DADKA AANU SIXIRKU KARIN

Xaamid Aadam oo ahaa saaxir towbad keenay oo u dhashay dalka suudaan ayaa ka sheekeeyey sida uu dadka u sixri jiray:


Wuxuu yiri "dadka qaar si deg-deg ah ayuu sixirku u qaban jiray oo dhib badan kalama kulmi jirin, dadka qaarna jinniga aan u diray ayaa soo laaban jiray isagoo ku soo guul-dareystay inuu sixro, Marka aan weydiiyo sababta ay hebel u soo sixri waayeen, waxay iigu jawaabi jireen hebel maba aragno, meel walba waan ka raadinay oo waan soo weynay.


Kadib waxaan u diraa jinni awood badan oo lagu magacaabo "Marada" iyaguna sidii kuwii hore ayey Qofkii aan u diray soo waayaan. Kama quusto ee haddana waxaan u diraa "Cifriid" oo jinniga ugu xoog badan, way igu soo laabtaan iyagoo leh qofka aad sheegayso adduunka meel kasta ayaan ka soo raadinay oo waan soo weynay. Waxaan ku iraahdaa sidee u soo weyseen gurigiisa ayuu joogaa oo maalin walba ayaan arkaa, Waxay yiraahdaan annagu qofkaa awood uma lihin inaan aragno!


Dadka noocaas ah ee uusan sixirku qaban karin markaan xaaladdooda baaray waxaan ogaaday inay yihiin kuwo Salaaddaha ku dadaala oo qur'aanka iyo adkaartana laasima "


﴾وَإِذَا قَرَأْتَ الْقُرْآنَ جَعَلْنَا بَيْنَكَ وَبَيْنَ الَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِالْآخِرَةِ حِجَابًا مَسْتُورًا﴿ 

 الإسراء (45).

Post a Comment

0 Comments