Carruurta Hadalku Ka Daaho: Sababaha Iyo Xalkeeda Qeybtii 3-aad

 

Carruurta Hadalku Ka Daaho: Sababaha Iyo Xalkeeda Qeybtii 3-aad

Mar baabay ishaaro san tahay!!

Sideedaba in ilmuhu uu sannadka koowaad dhammaysto isaga oo aan weli muujin awood iyo isku day hadal, waa calaamadda koowaad ee dib u dhaca hadalka lagu garanayo. Sida aynu soo faahfaahinnayna waxaa keeni kara sababo badan oo caafimaadka jidhka ama nafsadda iyo maskaxda la xidhiidha. Si haddii ay dhibaato jirto loo helo fursad goor hore wax lagaga qaban karo.

Si kastaba ha ahaato ee waxaa jira xeeldheereyaal aaminsan in dib u dhaca hadalku aanay mar kasta xanuun ahayn. Waxa ay sheegeen in carruur badan oo yaraantoodii uu hadalku ka dib dhacay, markii dambe lagu arkay codkarnimo iyo xikmad badnaan, gaar ahaan markii ay shan jir dhaafeen.

Waxaa iyaduna jirta xaalad uu hadalku dib u dhaco oo lagu magacaabo ‘Xaaladda Aynistayn’ (Einstein syndrome). Waxaa loogu magacdaray Albert Einstein (1879 – 1955), saynisyahankii magaca weynaa ee Jarmal ahaa oo isaga qudhiisu xaaladdan qabay.

Yaraantiisii hadalku waa uu ka dib dhacay, illaa xilligii uu waxbarashada hoose ee dugsiga ku jiraynaa waa uu ku adkaa. Heer ay macalimiintiisii u qaateen in aanay maskaxdiisu dhammayn, qaarkoodna go’aamiyeenba in aanu waxbarashada meel fiican ka gaadhi karin. Sidaas oo ay ahayd, haddana markii dambe hadalkii waa uu u furmay, waxaaba lagu arkay maskax aad u sarraysa iyo faham waxbarasho oo aan aadamaha badankiisa lagu arag.

‘Xaaladda Aynistayn’ waa hadalka oo ka dib dhaca waqtigii looga bartay in ilmuhu uu bilaabo, laakiin haddana lagu arko xarakaad, faham iyo hannaan dhuuxis, lafagur, iyo dhugmo oo sarreeya, iyo sida oo kale xasuus xooggan. Marka ay koraanna waxaa lagu arkaa waxbarashada oo ay ku sarreeyaan, ama in ay si gaar ah xariif ugu noqdaan maaddooyinka cilmiga ah, sida xisaabta, Sayniska iyo maaddooyinka u baahan in maskaxda aad loo adeegsado, lafagur iyo ka fikir maangal ahna ardayga looga baahdo.

Thomas Sowell (1930 – ), ayaa calanka u sida ragga aaminsan in xaaladdani ay jirto, magacanna isaga ayaaba u bixiyey. Buuggiisa ‘The Einstein Syndrome: Bright Children Who Talk Late’ waxa uu ku soo bandhigayaa aragtiin ku doodaya in dadka maskaxdoodu aad u sarraysaa ay inta badan leeyihiin xaalado caafimaad darro loo qaadan karo, sida in ay taakooyin kala kulmaan arrimaha bulshada iyo horumarka qaarkood.

Calaamadaha xaaladda Aynistayn lagu garan karo ee uu Sowell buugga ku sheegay waxaa ka mid ah:

1. Hadalka oo watigiisa ka dib dhaca, ama si gaabis ah u kobca.

2. Dhexgalka bulshada iyo la macaamilka dadka oo ku adkaada ama jaahwareer uu ka qaado.

3. In si aan caadi u muuqan isugu mashquuliya ama xooggiisa oo dha nisugu geeyo mawduuc gaar ah, ama xiise gaar ah.

4. Ilmaha oo ay ku adkaadaan xirfadaha iyo xarkaaadka jidhku. Tusaale ahaan ilme kastaa marka uu 2 sanno gaadho waa in uu istaagi karo, socon karo, ordi karo, kaabadaha fuuli karo, taas oo qayb ahaan si tartiib ah ula bilaabata xilliga naaska uu jaqayo, sannadba sannadka ka dambeeyana sii xoogaysta illaa qaangaadhka oo ay dhammaystirmaan. Xirfadaha ku adkaada waxaa ka mid ah isticmaalka Suuliga.

5. Heerka dareenkiisa iyo feejignaantiisa oo inta laga filayey da’daas aad uga badan ama aad uga hooseeya.

6. Xusuus aad u awood badan.

7. Nidaamka iyo xirfadaha urur ama hawshan fulineed oo ku adag.

8. Doonistiisa oo xooggan, sida waxa uu doonayo oo uu helitaankiisa ku adkaysto.

9. Kala doorashadiisa walxaha iyo xulashadiisa oo aad u sarraysa,

1. Marka uu gaadho oo lagu arko awood akhris oo sarrysa ama awoodda uu u leeyahay isticmaalka kombiyuutarka iyo aaladaha sida kombiyuutarka u shaqeeya sida ciyaaraha elektarooniga ah (Games).

2. Ilmaha oo aad u jeclaada waxyaabaha mashquulka ka dhigaya.

DIGNIIN:

1. Xanuunka Aynistayn (Einstein syndrome), ma aha xanuun uu cilmiga caafimaadka ama cilminafsigu aqoonsanyahay, illaa haddana ma jiro daraasado lagu qancay oo xaqiijinaya in xaaladdan Aynistayn ay jirto. Saynisyahannada qaarkoodna Sowell waa ay ku dhaliileen aragtiinkan cusub ee uu keenay, iyaga oo ku doodaya in aanay jirin caddaymo lagu qanco oo ku filan in la aqoonsado jiritaankiisa.

2. Waxa aan mar kale waalidka kula talinayaa in sida ugu dhaqsaha badan ee suurtagal ah ay dhakhtar u tusaan, ilmaha hadalku ka dib dhaco hal sanno, ama koboca awooddiisa hadal iyo luuqadeed uu aad u hooseeyo.

DHAMMAAD

Diyaariye: Qoraa Kamaal Marjaan

Post a Comment

0 Comments