KARTI LA`AANTA RAGGA IYO KAS-XUMADA DUMARKA.

 

                 Kartidu waa awoodda ama adkaysiga loogu babac dhigo lagagana guulaysto duruuufaha nololeed ee ku xeeran duinadan aynu guudkeeda saaran nahay. duruufaha in kali lagaga gudbo waxa ka haboon in koox ahaan lagu wajaho. waxa anyu maanta wax yar ka odhan doona kartida lamaanaha soomaaliyeed. waxa aynu inta itaalkeena ah isku dayi doona inan xaqiiqda ka dhisno oo aan khiyaalka ka fogaano.



run ahaantii marar badan ayaan is wayiidyey maxay awoodaan lamaanaha soomaaliyeed ? mase yihiin dadkii soo saari lahaa ilmo ku haboon xaaladan aynu ku jirno?

U kuurgal  badan ka dib waxa ii soo baxay in ay awoodaan inay is fuulaan oo kaliya . xataa in aanay aqoon qaabka ugu qurxoon ee arintaa loo fulin karo . isku tagooda micnaha daran waxa ka dhasha ilmo ka sii micno daran oo ahaa hadafkii labaad ee guurkooda ay ka lahaayeen.ilmahaasi uurka waa ku kadeednaa , ifkana waa ku kadab go`san yahay .hadii aynu is kale u dhigno ku talo gal la`aan ayuu iskaga yimid.labadan uu ka yimidna gu` mooyee garaad isma dhaamaan, cimri mooyee caqli isma dheera .


arrintani iga yaabisay waa danbase waxaan ogaaday inuu jiro xanuun nafsadeed ku dhaca garaadka dadka . xanuunkaasi wuxuu joojiyaa korniinka maskaxda .Astaamaha lagu gartana waxa ka mid ah qofka oo sida caruurta u fikira ama u hadla.in uu u fikirana waxa keena korniinka maankiisa oo uu haleelay xanuunkasi. Waxa sababa dhibaatooyinka is daba jooga ah ee ku dhaca bulshada sida qaxa , barakaca iwm. Xanuunkaasi waxa daweeya dhakhaatiitta ku takhasusay cudurada nafsaaniga ah . haddaba inta aan xanuunka uga shikisanahy narka aan ka imaad waxa aan is waydiiyey inta fayow iyo xayawaanku maxay is dhaamaan? Allaha awooda lihi makhluuqaadkiisa markii uu abuuray mid walba waxbuu ugu deeqay ; Malaaigta caqli buu siiyey ; xawayaankana rabitaan jinsiyadeed; ila aadana labadaba wuu isugu daray . Halkaa waxa inooga  dadku in ay wadaag la leeyihiin xayawaanka iyo malaaigtaba . wadaagaasi hadba dhanka uu bato uu u bato ayuu u ciiraya miisaanka qodkuna.Tusaale ahaan hadii uu qodku maskaxda adeegsado dhanka malaaigta ayuu u dhawaanaya , haddii uu rabitaan jinsi hadh iyo habeen heegan ugu jirana waxa uu la meeqaam noqonaya xayawaanka.hadaba is aynu fahamka u soo dhawaynu bal aynu xayawaanka soo qaadano.waa isku tagaa : isku tagiisaas in uu meher ka horeeyo iyo in kale kama war hayno.waxaan se u malaynana in uu ku horeeyo oo aynaan fahamsanyn. Meherka jiritaankiisuna waa hadba uun uu yahay sidka dhidigu.Mudadaa labku dan dan iyo haleelo kama laha aafadiisa ee iyada uunbaa uurka la madax wareerta ; la walacda ; la jamata ;lana foolata. marka ay dhashana iyada uunbaa la silicda lana saxariirta korinta iyo taabo galkiisa, hadhowna nin kale ayey iska guursata. qaab dhaaqankaasi waa xayawaanka. Haddaba waxa is waydiin mudan maxaynu wadaagnaa xayawaanka .maxaynuse ku kala duwanahay qaab dhaqan ahaan? haddii aynaan indha iska tirayn xawaanka inta aynu soo shegnay oo dhanba waynu la wadaagnaa. waxa inoo sii dheer buuqa iyo qaylada joogtada ah ee aynu isku haysano hadh iyo habeenba .


Oo horta kaalay maxa keenay in la isku buuqo ?

ragga oo kaalintoodii ka soo bixi waayey iyo dumarka oo ilbaxay.                                                            Oo kaalinta ragu maxay ahayd ?      in ay masruuf iyo maamulba la yimaadaan                                     Oo in ay  ka soo bixi wayaan maxa keenay? haddaan been la isku sheegayn karti la`aan , haddii kalana shaqo la`aan .Oo karti la`aanta maxa keenay ? waxa keenay aqoon la`aan iyo balwaad is biirsatay.

Oo oo aqoonta iyo kartida maxa ka galay ?                                                                                             waxa iska galay aqoonta dhabta ahi waxa ay ku dareeensiisaa awooda dhabta ah ee ku kaydsan gudahaaga , ama awoodaada raganimo?                                                                                                  inta aanan kaaga jawaabin ragganimada ma taqaana ? ma laba xiniinyood iyo magaca  ? haa......       may, labada xiniinyood iyo iyo magacu waa labnimo

Haddaba raganimadu waa in uu ninka ka soo baxo daryeelka ubadkiisa, ooridiisa iyo ehelkiisa . Ninka ragga ah intaa waxa u dheer ka fikirka iyo fan garaynta dalkiis aiyo dadkiisa . Adigu Labada mdikee baad tahay?

la soco qaybta labaad.


Post a Comment

0 Comments