7 XEER EE UGU MUHIIMSAN IS BEDELKA IYO HORUMARINTA NAFTA.

   


 Mar kasta oo uu qofku isku dayo in uu is bedel sameeyo uma suuro gasho sababta oo ah laga yaaba in ay xiiso ku hayso horumarintu  kaliya. laakin joogtaynta ficilada wanaagsani waa furaha horumarka iyo guusha dhabta ah (consistency is the key to success)

RULE 1: don`t compare your self  to others

Marnaba naftaada ha barbar dhigin dadka kale waa qodobka ugu muhiimsan ee horumarinta naftaada oo mid ka mid ah mucjisooyin ilaahay .qof unique ah ba tahy qof kula mida ah 8 billion ee dunida ku nool ma jirto  , qof taariikh gooni ah leh baa tahy , waxa jira awoodo kugu kaydsan oo loo baahan yahy inaad isticmaasho ,kaliya waxa ugu muhiimsan waa inaad naftaada la tartanto sanadkii hore iyo kan maxa kuu kordhay , bishii hore iyo bishan in aanad isku mid ahaanin kaliya adigu naftaada la tartan.               Odhaah caan ah ayaa tidhaa (Bar bilowga noloshaada ha barbar dhigin Bar dhamaadka Dadka Kale).

RULE 2 : BE A STUDENT 

Dad yaabo badan ayaa ku jira oo noloshaada ku hareeraysan kaliya qofka aad ku dayanaysa ha ahaado Nabi Mohumed (Scw) iyo Hadalka AllaH(swt). qof aad raacayso inta wixi ka soo hadhay waa qofka aad rabto nolosha heerka uu ka gaadhay inaad ka gaadho  haday tahay mid dhaqaale mid aqoon iyo mid diineedba .

RULE 3 ; GO TO GYM

Inta aad dhalin yarta tahay waa xiliga uu qofku korniimo badan sameeyo haday tahy mid jidheed iyo mid caqliyeedba. xiligan aad dhalinyarta tahy waxyaabaha ugu muhiimsan waxa ka mid ah in aad naftaada wakhti galiso oo aad Gymka aado amaba jimicsi kale oo faaido kuu leh aad samayso sida inad orod samayso, inad dabaal aado, inad buuraha fanato .  Xili hore seexo habeenka , Cunto fiican cun.

RULE 4 : WAX BARO

Waxbarashadu maaha kaliya inaad school aado ama jaamacad aado . Xiligan aynu joogno waa xiligii ugu fiicnaa ee aadame noolaada sababta oo helitaanka internet xawaare sare leh .                             marka ka faaidayso wakhtigaaga inad wax ku barato onlineka , inaad wax badan akhrido ( qur`aanka) 

RULE 5 : KA FIIRSO DAADKA AAD LA SOCOTO.

Xiligan aynu joogno dadka ugu saamaynta badan noloshaadu waa shanta qof ee aad maalin walba kaa soo hor baxa markasta oo aad youtube kaaga gasho ama instagramkaga amaba tiktok. haddaba ka fikir waa ayo dadka ugu badan ee aad maalin kasta daawato. ma yihiin dad  kuu hogaamin kara is bedelka aad rabto aad ku talaabsato .   mar kasta daawo dadka aad rabto in aad ku dayato mar kasta waa kuwo kugu dhiirigakinayo inaad ku talaabsato waxa qalbigaaga gubaya.            

RULE 6 : EVENTS AND SIMINOR

Maadaama qarnigan aynu noolnahy uu yahay qarnigii xogta oo qofba qofka uu ka xog iyo ogaal badan yahay ka hormarsan yahay ku dadaal in ka qayb gasho siminaarada iyo xafladaha aad is leedahay waxa aad ka heli karta xog . inad xata ka mid noqoto dadka xafaldaha iyo siminaarada wax ku oolka ah qabanqaabintooda ka qayb ahaataa waa kuu muhiim.

RULE 7 ALLE KU XIDHNOW

In aad shanta salaadood ku tukato xiligooda waliba masjidka waa waxyaabaha ugu muhiimsan in aad noloshaada si dhab ah wax ugu badali doona . kaliya maaha in ay tan aduunyo ahi inala waynaato oo aan mar kasta ka fikirno .qof kasta oo hamigiisa ku soo kooba hami aduunyo alle wuu kala daadiya aduunyadan oo shaynaba kama sal gaadho lkn hadii uu hamigiisa ka dhigo hami aakhiro alle (SWT) arimihiisa aduunyo isaga ayaa u uruuriya oo iskugu hagaajiya mana arko wax ka xumaada iyo wax xumeeyaba . quraan akhriska badso. 

DHAMAAD.

HORUMARINTA NAFTA.

Post a Comment

0 Comments